Madaxweynaha JFS oo warbixin ka dhageystay Hantidhawraha Qaranka Ee DFS .

September 10, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.

———–DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online