Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xaflada xilka uu kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland

September 7, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland (Daraawiishta) Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Taliyihii hore Gen. Yaasiin Cumar Dheere.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ee Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland, gaar ahaan Ciidanka Difaaca ee Daraawiishta ay u gutaan waajibaadkooda isagoo uga mahadceliyay Taliyaha xilka wareejiyay maanta Gen. Yaasiin Cumar Dheere sida uu u gutay shaqada intuu xilka hayey, gaar ahaan doorkiisii ku aadana qorshihii dib-u-habeynta ee Ciidanka lagu sameeyay.

Ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta oo ah Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland lagu aasaasay, ayaa saddexdii sanno ee ugu danbeysay Dowladdu ku sameysay dib-u-habeyn, tababar iyo tayeyn ciidan, isbedelkaasi guuleystay oo qeyb ka ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha Puntland ayaa siweyn looga dareemay guud ahaan Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanku ay kaallin muhim ah ka qaataan dhammaan shaqooyin dalka ka socda, isagoo u rajeeyay taliyaha cusub ee xilka la wareegay Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) in uu halkaasi howsha kasii waajibaadka horyaalla.

Si loo dhiirrigeliyo Fanaaniinta Kooxda Horseed ee ka midka ah Ciidanka Daraawiishta Puntland, Madaxweynaha ayaa min hal xiddig dalacsiiyey kooxda fanka ee ciidanka, si gaar ah waxaa labo xiddig la dalacsiiyey Sarkaalad Raxma oo ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Daraawiishta. Wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay doorkooda wacyigelinta Ciidanka oo qeyb ka ah dhiirrigelinta iyo gubaabinta shaqo.

Munaasabadda Xilwareejinta Taliska Ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Ciidanka 54-aad, waxaa Madaxweynaha kala ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Galan, Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland heerarkooda kala duwan, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland, Lataliyeyaasha Amniga ee Madaxweynaha, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo marti sharaf kale.
Hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Puntland (Daraawiishta) Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Taliyihii hore Gen. Yaasiin Cumar Dheere.

=DHAMMAAD=

=DHAMMAAD=

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online