Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl

September 4, 2022 - Written by Editor

Eyl :-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowladda ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta.

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

——DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online