Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Goleyaasha deegaanka Eyl, Ufeyn iyo Qardho

September 17, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho, oo ah Goleyaashii ugu horeeyay ee hal qof iyo hal cod lagu soo doortay Puntland.

Mudaneyaasha Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo ayaa la tusay oo booqday qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ka koobantahay oo uu ku jiro Xafiiska Madaxweynaha oo ay salaan ugu tageen, intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu Kula hadlay Hoolka Shirarka Isagoo la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay dhameystirka doorashada degmooyinka Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiweli Mire Xirsi, Saraakiil Madaxtooyo iyo Agaasime Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

——–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online