Ra’iisul Wasaaraha JFS oo ka geyb galay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda Muqdisho

September 22, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 25-aad ee aasaaska Jaamacadda Muqdisho, ayaa ku dheeraaday muhiimadda cilmiga, waxbarashada iyo hey’adaha waxbarashadu u leeyihiin xasiloonida, nabadda, amniga iyo horumarinta bulshada.

Mudane Xamse waxuu sheegay in wax badan laga soo qabtay dowlad dhiska oo la joogo meel wanaagsan, hase yeeshee wali ay taagan yihiin caqabado ay ka mid yihiin fikradaha xag-jirka ah, sidaa daraadeed ay lagama maarmaan tahay in aqoonyahannada, jaamcadaha iyo hey’adaha kale ee waxbarashadu inay qaataan doorkooda ku aaddan la dagaallanka fikirka xag-jirka ah iyo dadaallada dib-u-xorreynta ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

“Cilmigeennu waa inuu amniga iyo gaajada naga xalliyaa, horumarinta dhaqaalaha uu qeyb ka qaataa, dhamaan caqabadaha bulsho ee na heysta xalkoodu waa inuu cilmiga ka yimaadaa. Waxaan u baahannahay cilmi baaris ay dad Soomaaliyeed sameeyeen si ay u soo baxaan natiijooyin xal loogu helayo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed heysta”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegamaya iyadoo maanta uun ay golaha wasiirradu ay ansixiyeen Istaraatiijiyadda Guusha ee Dabargoynta Argagixisada, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad, Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda.

—–Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online