Ra’iisul wasaaraha JFS oo la kulmay ku xigeenka Guud ee QM

September 6, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths, oo ay ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay, iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Dhanka kale Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah, isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto.

—DHAMAAAD—

Leave a comment

*

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online