Golaha Wasiirada DFS oo meel mariyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2023

November 16, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxa ay ku meel mariyeen ku-talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 oo ka kooban Dakhli gudaha ah iyo Deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniyadda.

Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.

——Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online