Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo saagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS

November 6, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan safar shaqo ku joogay Puntland.

Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe.

——DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online