Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo Khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka JFS labadiisa aqal.

November 15, 2022 - Written by Editor

Muqdisho: November,15,2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Madaxweynaha DFS, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah oo ku saabsan xaaladda guud ee Dalka, waxqabadka DFS, qorshaha xoreynta Wadanka iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh Dawladda Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur & Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey munaasabadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adda xeer dejinta iyo in si wadajir ah looga wadashaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhanka kale, ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaradaha & Madaxweynaha Qaranka qorshaha dib u xoreynta wadanka, isagoo ku baaqay in laga dhabeeyo, shacabka Soomaaliyeed-na ay garab istaagaan Ciidanka wada howlgalada.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Taliyayaasha, Ciidamada qalabka sida, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada iyo mari sharaf kale.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online