Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka DPL oo ka Tacsiyeeyey geerida Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida .

November 3, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle Ha u naxariistee Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

AHUN Gen. Siciid Abyan Cigaal, ayaa ahaa sarkaal waxbadan usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu xilal kala duwan oo xagga Ciidamada ah kasoo qabtay Soomaaliya iyo burburkii kadib oo uu Puntland doorweyn kulaha yagleelka garsoorka Ciidamada.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu Janatul Fardowsao ka waraabiyo marxuumka, eheladii iyo saaxiibadiina uu samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online