Ku-simaha Madaxweynaha DPL ahna madaxweyne ku-xigeenka oo ka qeybgalay salaada jinaasada ee ahun Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.[Video]

November 21, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare kaga qayb galay Saalada Jinaasada ee AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu Janatul Fardowsa ku Arsaaqo, isaga oo uga tacsiyeeyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Isimada dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Garaadku.

AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxmed oo ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Soomaaliyeed wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo sidii bulshada Soomaaliyeed Nabad waarta u heli lahayd, si gaar ah Marxuumku wuxuu Sanadihii u dambeeyey Udub dhexaad u ahaa Nabada iyo horumarka ka socda deegaanada Puntland oo uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii dowladda Puntland.

AUN Garaadka ayaa maanta lagu Aasayaa Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool uu ku dar-daarmay in lagu Aaso.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Warning: Undefined variable $user_ID in /customers/7/9/5/halgan.net/httpd.www/halgan/wp-content/themes/hg/comments.php on line 61

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online