Ku-simaha madaxweynaha DPL ahna madaxweyne ku-xigeenka oo ka tacsiyeeyay geerida ahun Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

November 18, 2022 - Written by Editor

Garoowe : 18 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun
Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan shacabweynaha reer Puntland waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.
Alle naxariistii Jano haka waraabiyee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed wuxuu ka mid ahaa Isimada ugu facaweyn guud ahaan Soomaaliya, si gaar ah Garaadku wuxuu wakhtigiisii ugu badnaa geliyey nabada iyo xasiloonida reer Puntland oo uu kamid ahaa Isimadii u guntaday Aas-aaska dowladda Puntland oo si weyn loogu xasuusto doorkiisii wanaagsanaa.
Waxaa eebbe u weydiinayaa inuu qabriga u waasiciyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo Puntlandba uu ka siiyo samir iyo iimaan taam ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online