Madaxweynaha Hirshabeele oo booqday deegaanada laga Xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

November 6, 2022 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowladda Hishabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaannada Wargaadhi, Geedi xeer, Xasan geedi, Qaahira, Maxaa saciid iyo Nuur dugle oo dhowaan laga xureeyay kooxda khawaarijta ah ee alshabaab.

Socdaalka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Xasan Cadow ( Axmed daaci) iyo Saraakiil waxaa deegaanka Nuur dugle kusoo dhoweeyay Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole,

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegannada laga xureeyay khawaarijta oo ay ka muuqdeen raadadka gumeysigii ay ku hayeen bulshada deegaannada.

Masaxweyanaha ayaa tilmaamay in khawaarijta alshabaab ay ka carareen dhamaan deegaanadaan oo ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah, isagoo xusay in dhamaan deegaannada laga xureeyay ayna ka jirin wax horumar ah, Ciidamadana ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada aadan yabaal.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegannadaan ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan ciribtirka kooxdaan khawaarijta ah oo marwalba u taagan xasuuqa shacabka.

-DHAMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online