Madaxweynaha JFS oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya

November 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa xusay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

——-DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online