Madaxweynaha JFS oo kormeer ku tagay Baxdo ee gobolka Galguduud

November 19, 2022 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta cadowga.

Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online