Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Isbitaalka Sheekh Axmed Gabyoow

November 26, 2022 - Written by Editor

Cadale:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda.

Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online