Madaxweyne JFS oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii madaxda Jaamacadda Carabta

November 4, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo hor-geeyey Shir-madaxeedka dalalka Carabta doorka ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan walaalahooda Carbeed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo madaxda Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay, isagoo uga warbixiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta Mudane Cabdul-majiid Tabuun. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdul-fataax Al-siisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madax kale, si uu u xoojiyo diblumaasiyadda Soomaaliya iyo xaqiijnta danaha Qarankeenna.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online