Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray deegaanka Nuur-Dugle oo laga xoreeyay Khawaarijta

November 24, 2022 - Written by Editor

Nuur-Dugle:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan argagixisada, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan Khawaarijta.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Alshabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Alshabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Khawaarijtu ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.

——-DHAMAAD—

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online