Raisulwasaaraha DFS oo Shir Gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada

November 24, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

—-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online