Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal oo ka warbixiyey howl gal ay xalay ciidanku ku qabteen Khamriilayaal.[Video]

November 20, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaal ahna ku-simaha taliyaha Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile ( Fardafuul ) ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga ee guud ahaan gobolka iyo howl-gallo amni sugid ah oo Garoowe laga sameeyey.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Nugaa ayaa sheegay in xalay ciidanka Booliska Puntland ay hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni daro oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka jiray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka mid ah burcada Cabtooyda,kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen iyo hal mid oo nolosha lagu qabtay,hubkoodii iyo Gaadhi ay ku wateen khamri waxayna dhamaantood ahaayeen Dabley hubaysan oo geysta falal amni darro.

Sidoo kale hawlgalku intii uu socday waxay dhaawacyo soo gaareen labo ruux oo midkood yahay Askari katirsan ciidamada booliska iyo Qof rayid ah oo ah Haweenay,waxaana haatan lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Dowlada Puntland waxay balanqaadayaan dhib kasta oo ka yimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,wuxuuna hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan.

Ciidanka Booliska iyo cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland oo si buuxda isaga kaashanaya fulinta hawlaha sugida Amniga,waxaa si gaar ah loogu jeedinayaa bogaadin dhamaan muwaadiniinta ku garabsiinaysa ciidanka la dagaalanka burcada dhibaatada ku haysay xassiloonida ay ku naaloonayaan Dadweynaha ku nool Caasimadda Puntland iyo Guud ahaan Gobolka Nugaal.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online