Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan la qaatay masuuliyiinta dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Somalia.[Video]

December 1, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa habka foggaan araga ee “Zoom”-ka kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta Dowladda Norway ka socda ee uu Kulanka la qaatay Madaxweynuhu ayaa kala ah Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Elburgi Johansen, La-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway

Ole Lindeman iyo Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Amb. Haakon Svane. Kulanka oo uu Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa looga hadlay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Puntland iyo Mashaariicda horumarin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway taageeradooda ku aadan hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Mashaariicda horumarin ee ay Dowladda Norway ka taageerto Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online