Madaxweynaha JFS oo baaq ka soo saaray xaalada Laascaanood.

December 30, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab.

——-DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online