Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xuska aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 24, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Madaxweynaha oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale faray Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online