Madaxweynaha JFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti.

December 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Alshabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Mudane Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen; Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka Mudane Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.

——–DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online