๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ฎ๐—ฎ๐—ต๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฐ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ผ

January 25, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar, kaasi oo ay fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka.

Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Raโ€™iisul Wasaaraha qaabka looga faaโ€™iideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyadoo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faaโ€™iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta.

Mashruuca Barwaaqo oo socon doona muddo sanooyin ah, ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah ayaa waxa uu xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa mashruuca ku tilmaamay fursad aaan uga faaiideyn karno dadkeena iyo xoolaheena si aanay biyo laโ€™aan ugu dhicin, maadaam buu yiri la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo.

โ€”—DHAMMAADโ€”-

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online