Gudoomiyaha JFS oo la kulmay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed

January 11, 2023 - Written by Editor

Baydhabo:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed isagoo kala hadlay sugidda Ammaanka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaalada amniga ee deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Guddiga Amniga Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada baaxada leh ee looga baahan yahay, waxaana kulanka looga hadlay amniga isla-markaana lagu faray sugida amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda lagana fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf. Sidoo kale goobta shirka waxaa amnigeeda sugaya Ciidamada ATMIS iyo qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoona xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saraan tahay mas’uuliyad gaar ah.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online