Madaxweynaha JFS oo booqday ciidamada lagu soo tababaray dalka Ereteriya

January 2, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online