Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso

January 25, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo, kaasi oo loo dhisidoono, si casri ah oo la jaanqaadaya garoomada Cagaaran ee caalamiga ah.

Dhismaha Garoonka Cagaaran ee Kubadda cagta Boosaaso oo ay kharashka dhismihiisa ka taageerayso Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la dhammaystiray qiimaynta dhismaha Garoonka, isagoo ka koobnaandoona laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah.

Qaybta koowaad:

1. Dhismaha Qaybta taarabuunka oo qaadidoona 3,000 oo qof

2. Qaybta VIP-da oo qaadda 100 qof

3. labo qol oo hool ah oo dhar bedelesho ah oo wata musquluhii ciyaartoyda

4. Dhismaha qaybta GYM-ka oo ay ku jimicsandoonaan Ciyaartoyda.

5. Banaynta iyo diyaarinta Qaybta Baarkinka gawaarida.

Qaybta Koowaad

Dhismaha Garoonka Cagaaran ee dhigidda Roogga, kaasi oo ka koobnaandoona qaybaha kala ah.

1. Dhismaha Garoon Cagaaran oo cabir ka la dhisayo -noqondoono (105 meter x 68 meter)

2. Nalaynta dhismaha Garoonka oo suurta gelinaaya in habeen iyo maalinba lagu ciyaaro

3. Goobta Bedelka ciyaartoyda iyo macalimiinta

4. Qaybta Gargaarka deg-degga ah iyo saxaafadda.

—-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online