Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo daah furay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.[Video]

January 5, 2023 - Written by Editor

Bosaaso, January 05, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta magalaada Bosaaso kaga qaybgalay daah-furka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar oo si rasmi ah loo daahfurey.
Kulanka daah-furka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Bari Africa ee magaalada Bosaaso ayaa waxa ka soo qaybgalay Goleyaasha kala duwan ee xukuumada, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo khudbad kajeediyay madasha ayaa dadka Reer ee Gobolada Bariga ku kula dardarmaay in la is diiwaangeliyo lana soo baxo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Bulshada Reer Puntland ugu hambalyeeyey munaasabadda daah-furka wajiga labaad ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland taas oo horay loogu guulaystay qabashada Doorashadii hoedhaca ahayd ee 3 Degmo Eyl, Qardho iyo Ufayn.

Dhammaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Leave a comment

*

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online