๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ .

February 6, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hayโ€™addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxaha Khawaarijta.

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay. Waxuuna faray dhammaan heyโ€™adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ahmiyadda koowaad siinayso dib-u-xoraynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, isagoo Raโ€™iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.
โ€”DHAMMAADโ€”-

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online