Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey

February 14, 2023 - Written by Editor

Roma:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

—-DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online