Madaxweynaha JFS Hassan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Talyaaniga

February 8, 2023 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf ka qaatay ilaalida Jamhuuriyadda.

Munaasabadda ku qabsoomtay qasriga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella waxa uu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal.

Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soodhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dalalka Caalamka.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online