Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddiga Dhismaha ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

February 4, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Guddiga Dhismaha ee Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, oo Madaxweynuhu dhowaan ku dhawaaqay in sanadka inta ka hartay la gaarsiinayo magaalada Hadaaftimo.

Madaxweynaha ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixinta heerarka kala duwan ee dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo soo martay, meesha ay hadda marayso iyo baahiyaha ku gaadaaman. Wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida ay Isaga go’antahay in sanadka intuusan dhammaan Wadada la gaarsiiyo magaalada Hadaaftimo.

Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ayaa waxaa la dhisay 30-kii Km ee ugu horeeyay oo Laami ah, waxaana hadda Bulshada Puntland Guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag ay siweyn usoo dhoweeyeen Go’aanka Madaxweynaha qaatay ee ah in Wadada la geeyo Hadaftimo inta sanadka ka hartay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh Arrintan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online