Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiir Ku Xigeenka Dawladda Maraykanka

February 23, 2023 - Written by Editor

Hargeysa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

—-Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online