Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday dadkii ku soo dhaawacmay magaalada Laascaanood.

February 18, 2023 - Written by Editor

Garoowe: 18 February 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Isbitaalka guud ee Garoowe ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Somaliland ku hayso dadka magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga heer Wasiir ee Gurmadka Gobolka Sool iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa dhaawacyada, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladdu isaga xilsaarayso garab istaaga dhibaatada lagu hayo.

“Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay,inta dhaawaca ahna haw booga dhayo, dhammaantood waxay difaacayeen sharafkooda iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, waa wax aan layskaga hadhi doonin in dad Shacab ah oo Masiirkooda ka tashanaya Xasuuq noocaas ah loo geysto.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online