Madaxweynaha JFS oo furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

March 16, 2023 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

——–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online