Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Furay Shirweynaha Waxbarashada dalka .

March 13, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online