Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatay magaalada Nairobi Madax ka tirsan Beesha Caalamka.[Masawiro]

March 20, 2023 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Nairobi ayaa Maantay Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

Shirka ayaa looga wada hadlay:

1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.

2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool

3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Dowladda Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey hormarka ka socda Puntland oo ay ugu horeyso in barnaamijka doorashooyinka uu si habsami leh u socdo iyo dhammeystirka is diwaangelinta codbixiyaasha. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen in Dowladda Puntland galisay dhaqaale ka badan kan ay deeq bixiyaashu ku bixiyeen illaa hadda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday si guul ah.

——-DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online