Madaxweynaha Puntland oo xeer ka soo saartay Qodista iyo dhoofinta Macdanta

March 11, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad

Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta.

Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga iyo dhoofinta Khayrkaadka Macdenta.

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Tamarta Macdenta iyo Biyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa masuulka ah bixinta Shatiyada ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta.

2. Waxaa si kumeel gaar ah loo go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku waajibtay dhammaan macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Dowlada Puntland.

3. Waxaa la farayaa Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta.

4. Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan.

5. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

—-DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online