Madaxweynaha Puntland Siciid Claahi Deni oo Daahfuray Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030

March 6, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay Kulanka Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha nashqadeynta ee ku socda magaalada, sida loo horumarinayo iyo adeegyada Bulsho ee magaalada. Iyadoo Sidoo kale lasoo gudbiyey muqaal soo koobaya Mashaariicda horumarin ee ka socda Boosaaso , sida horumarinta Airport, Balaarinta Dekadda Boosaaso, Wadooyinka , Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Horumarinta Korontada, Dhismaha xarumaha Dowladda iyo howlgalada lagu baneynayo Wadooyinka magaalada iyo Dhulka Dowladda.

Dhammaan Masuuliyiinta, Hoggaanka dhaqanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeybgalay Kulanka ayaa soo dhoweeyay sida ay Dowladda muhiimad u siinayso dhismaha iyo horumarinta , bilicda iyo nashaqadeynta magaalada. Waxayna muujiyeen sida ay Dowladda garab ugu siinayaan taabagelinta qorshaha nashqadeynta iyo Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo muhiimadiisa wuxuuna ku adkeeyay Bulshada Boosaaso in Dowladdu ka howlgashay Horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalada loona baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan, si wada jir Dowlad iyo Shacaba looga shaqeeyo in Boosaaso la gaarsiiyo meel ay istaahisho iyo in ay la mid noqoto magaalooyinka la mid ka ah ee Adduunka.

—–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online