Madaxweynaha dowladda Puntand oo Kormeeray sidda ay u socotp Shaqada Dhismaha iyo Balaarinta Dekadda Boosaaso.[Masawiro]

May 30, 2023 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Dekadda Boosaaso oo Dhismihii iyo Horumarintii lagu balaarinayay ay meel wanaagsan marayso, Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo wuxuuna Warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha iyo Shirkadda dhismaha Dekadda gacanta ku haysa ee DP WORLD.

Dekadda ayaa lagu daraya 450m, oo Jenbiga koowaad yahay 150m dhererka, Halka balaca uu yahay 30m, shaqada jenbiga koowaad ayaa Hada la qabtay 70%. Waxaa shaqada laga qabanayo Dekadda ka mid ah in dayactir lagu sameeyo 215m oo ka mid ah Dekadii hore.

Sidoo kale waxaa Dekadda loo sameyn doonaa Qeybta Kunteenarada oo ah 4000 miter, qaboojiyaha Dekadda , Waddo gelid iyo Bixid ah iyo dhisme Dabaq ah oo guri saddex dabaq ah oo dhammaan hayadaha Dowladda ay kuwada shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Markii uu Xafiiska yimi bilowgiiba dib-u-eegay heshiiskii isaga ka horeeyay Dekadda Boosaaso Shirkadda P&O Ports, si loo dhaqaajiyo dhismaha Dekadda iyo horumarinteedana waxaa lagula heshiiyay Shirkadda DP World, Iyadoo Madaxweynuhu dhaggax dhigay Wejiga koowaad ee balaarinta iyo Horumarinta Dekadda 24 January 2023.

Tallaabadan ayaa Hadda ah mid miro dhashay oo shaqadii Dekadda bilowmatay, ayna u socoto siwanaagsan oo ku suntan waxqabad muuqda, waana mid ay siweyn u boggaadiyeen Bulshada Gobolka Bari iyo Guud ahaan Puntland.

no images were found

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2023
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online