NISA oo sheegtay inuu isku soo dhiibay ‘la-taliyihii hoggaamiyiii hore ee Al-shabaab .

May 28, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Hay’adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

NISA ayaa intaas ku dartay in 16-kii sano ee lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu soo noqday la taliyihii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, kaas oo bishii 1-dii September 2014 lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareyku ka fuliyeen xeebta Baraawe.

Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif ayay NISA sheegtay in sidoo kale uu xilal kale kasoo qabtay Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen “qaaddiga Maxkamad Gobolka Banaadir, qaadiga guud Al-Shabaab, madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.”

Warbaahinta dowladda iyo ha’adda NISA midkoodna ma sheegin halka uu iska soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2023
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online