Siyaasiyiin ka soo horjeestay heshiiskii doorasho ee golaha wadatashiga Qaran.

May 29, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Siyaasiyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran ay shalay ka soo saareen shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho iyaga oo ku tilmaamay kuwa baalmarsan shuruucda ,Dastuurka dalka iyo awood qeybsiga.

Siyaasiyiintan ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku eediyeen golaha wadatashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuuriga ah taas oo dalka u horseedi karta khilaaf iyo dib u noqosho.

Warmurtiyeedka ay soo sareen siyaasiyiintan ayaa ugu baaqay gudoomiyaasha labada aqal ee barlamaanka,iyo aqalka sare inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee saaran .

Siyaasiyiinta ku saxiixan Warmurtiyaadkan ayaa waxay kala yihiin
1- Shariif Sheekh Axmed
2-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke
3-Xasan Cali Kheyre
4-Cabdiweli Sheekh Axmed
5-Cabdiweli Cali Gaas
6-Shariif Xasan Sheekh Aden
7-Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed
8-Cabdulqaadir Cosoble Cali
9-Dr Cabndinasir Cabdulle Maxamed

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka ay soo saareen Siyaasiyiin dalka ka soo qabtay xilal kala duwan.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
May 2023
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online