Fahad Yaasiin Xaji Daahir oo warqad Furan u diray Raisulwasaare Xamze

June 7, 2023 - Written by Editor

Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kugu salaamay, salaanta islaamka ee Asalaamu Calalaykum Waraxma Tullaahi.

Salaanta kadib.

Fariintan aan hawada kuu soo marsiinayo laba saboob dartood weeye.

Waa tan koowaadee; waxaa tahay qof xil qaran haya, sidaas darteedna waa dhaqan siyaasadeed in madaxda loo diro warqad furan.
Waa tan labaad e; aqoon shakhsi ah kuuma lihi oo qiyaas kama haysto fekerkaada iyo hannaankaada talo dhagaysiga, sidaas baan fariin qoraalkan kuugu soo dirayaa.

Tan iyo kolkaad xilka qabatay xanta magaalada kuu taal kama mid ahan musuqmaasuq, waase kaa muuqataa inaadan waxba ka qaban musuqa geesahaaga oo dhan mushaaxaya.

Tan hore waa tallaabo aad ammaan uga heleyso ummadda, ilaahayna aad ajar uga heleyso. Waliba, waxaa dad xog ogaal ah ii sheegeen inaad diiday saami-qeybsi maalinle ah oo ka imanaya dakhliga rakaatada ah ee isbaaro madaxeedka ah ee laga qaado Jaadleyda, waliba aad tiri, xoolo xaaraan ah ubadkayga iyo qoyskayga siin maayo.

Sifada labaad ee ah inaadan musuqa waxba ka qabanin, tabar yaridaada bay sheegaysaa, waadse muujisay sidaad u karhayso xoolaha xaaraanta ah ee laga sameeyo maandooriyaha Jaadka. Eeboow na astur.

Mid kaloo farxad lehna waa lagugu arkay, oo waa inaadan shisheeye ku xirmin oo danaha qaranka aad si qarsoodi ah kala heshiinin, ilaa iyo hadeer.
Ka Dhawrsanaan-taada labadaas cudur, waxaa sabab u ah ineysan kugu jirin garoojooyin siyaado ah oo kugu kicin karo labada shahwo ee dadka haadaanta ka tuurta,; waa shahwada maalka iyo shahwada xukunka. Laabadaasba hadii lagaa baaray, wali waxaa tahay qof ka badqaba. Sidaad noqon doonto mustaqbalka mooyee, waase ducaysantahay hadaad iska ilaaliso labadaas xanuun ee dilaaga ku ah dowladnimada.

Mudane Raisal Wasaare,

Intaas aan ku joojiyo faanka aan kugula dul dhacay, ee aad moodo inaan is ilaaway.

Horta maxaan rabay inaan kaala hadlo?

Ma talo siin bey ahayd?
Ma taariikhayn bey ahayd?
Ma qolo kalaan u tibaaxayaa?
Ma tawaawac bay aahayd?
Intaas midkood kaliya maahayn ee waaba intaas iyo tuducyo kale oo lagu daray.
Mudane Ra’iisal Wasaare,

Afar waddo oo taariikhda soo martay baan kaaga war bixinayaa, mid shanaadna waa taladaan ku siinayo, marka sheekada isku karis baan ka dhigayaa ee hadba intii aad uga baahato ka adeego. Haddii aad dhammaantood iska xoortana, dhamaadkaada unbaa sheegi tubtaad ku danbeyso.

Afeef:

Tusaala-yaasha aan soo qaadanayo, madaxdii dhimatay waan ka leexinayaa wixii xanaf leh, waayo qof qabri galay qalin laga daba qoray, Alle ha u naxariisto ka badan lama qori karo, hadaysan duruuf cilmi doon ah kugu kallifaynin. Laakiin sida xeerku yahay, ruux aan iska kaa qaban karin, inaad halgaaddo waa gunnimo garaadka kaa gasha. Rabiyow magantaa.

Gogol-dhig:

Geeddiga qaran ee gaarigiisa uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha wuxuu jecelyahay inuu ku socdo jidkii uu sheegay inuu guusha ku gaarayo ee uu ku talagalay, ee lagu soo doortay.

Wuxuu u baahdaa inuu dhiso xukuumad hirgalisa ajandayaashaas, oo ka bilaabanaysa magacaabista Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumadda uu rabo Madaxweynaha ee uu soo ballan qaaday xiligii ololihiisa doorashada ama khubaro iyo awood siyaasadeed xubno uu u kaashanayo.

Halkaas kolka la marayo Ra’iisul Wasaaraha cusub boqolkiiba sagaashan wuxuu magacaabaa siduu jecelyahay Madaxweynaha, wuxuuna dadka u sheegaa dhaqan wanaagsan maahan ninkii i magacaabay inaan hadeer magacyo isku qabsano, isagaana la doortay, marka laba ama sadex waan dhex gashan karaa, laakiin u taga Madaxweynaha.
Waxaase qalbigiisa ku jirta Baarlamaanka yaanan lagu soo celinin xukuumadda ee is gaabi.

Xilligaas Ra’iisul Wasaaraha waa nin dhaga-nugul, daacad u ah Madaxweynaha, talo walba ula noqonaya, maalinta uu dhaafo Baarlamaanka ee uu helo codka kalsoonida ilaa sadex bilood waxaa ka qaadata inuu xilalka kala wareejiyo, sadexda bilood ee ku xigtana, waxaa shaqo u noqota inuu xafiiskiisa barto, xiriirka gudaha iyo dibada kala fahmo, laba safar oo dibada ahna aado, xan badanna uu soo helo.

Dibadaha wuxuu kusoo arkaa dowlado sadex nooc kala ah. Kuwa ku yiraahda maxaad farriin nooga sidaa Madaxweynaha? Kuwa ku yiraahda waxaan diyaar u nahay inaan adiga si gaar ah kuula shaqeyno, madaxweynahaga waa qof aanan la fahmi karin, marka diyaar ma u tahay inaan miisaaniyad, xiriiro caalamka ah iyo qorshe kuu diyaarino oon wada shaqayno? Waxaa jira kuwa saddexaad oo ah dowladaha aanan fahamsanayn xaaladda Soomaaliya oo wax ajanda ahna aanan ka lahayn, kuwaasna uma dhaafayaan soo dhawoow, Soomaalida waa dad wanaagsan. Maxaan idin kala shaqeynaa oon wada qabsanaa?

Markay lix bilood u dhamaato, waxaa geesaha ka bilowdo mawjado siyaasadeed, iyo muran joogto ah, wareerka halkaas ka bilowda wuxuu salfadaa saddex sano ee u horeysa Ra’iisul Wasaara-yaasha, sanadka afraadna waxay salfataa Madaxweynaha laftiisa.

Mudane Ra’iisul Wasaare,

Halkaas markay joogto aan kuu kala sharxo khaatumada Ra’iisul Wasaara-yaasha iyo hab dhaqankooda kala duwan anigoo adeegsanayna eray bixinno kooban oo ka turjumayso siday albaabka uga baxeen.
Gaariga ka dag adigoo aanan qallibin

Waxaa dalka soo maray Ra’iisul Wasaare-yaal diiday iney ajnabi u shirqoolaan Madxweynahooda oo dano gurracanna uga fuliyaan gudaha dawladdooda. Sidoo kale, diiday iney gorodda ka fuulaan qofkii sharfay ee shalay shaqada keenay, xitaa ka fogaaday iney damcaan darinta uu ku fadhiyo inay ka jiitaan. Waxaa usoo baxday iney muunad iyo magac ay ka helayaan iney ka xishoodaan ninkii xilka siiyey. Mararka qaar wey isku dayeen iney abuuraan jawi baddali kara xaaladda oo xilka kusii hayn kara, laakiin kolkay ku adkaatay waxay go’aansadeen iney gaariga kaligood ka dagaan si tartiib ah, iyagoo ka fogaanaya inuu wada qallibmo. Ragaas ayaan mid mid u dul istagayaa.

Dr. Cali Maxamed Geeddi: Isagoo haysta taageerada Barlamaanka oo buuxda, waliba kaga adkaaday Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo wada jira, haddana si deggan oo sahlan buu gaariga uga dagay.

Sidoo kale, wuxuu mar haystay garab istaag buux oo beesha caalamka ah haddii uu kasoo horjeesto Madaxweynihiisa, taasoo uu diiday oo uu waliba carrab kulul ugu jawaabay, kolkaas kadibna ay bilaabeen qorshihii Geeddi xilka looga tuuri lahaa.

Marag waxaa loo hayaa in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Alle ha u naxariistee uu ka shallaayay inuu nin karti leh oo misana uroonaa uu lumiyey.

Cumar Cabdirashiid: Muddo xileedkiisii koowaad, wuxuu gaariga ka dagay isagoo haysta teegeerada beesha caalamka, lana hareereeyay madaxweynihii oo ku khasbanaaday inuu ka laabto go’aannadiisii qaarkood. Laakiin Cumar, wuxuu ku tagay si deggan oo shanqar yar, taasoo dhalisay inuu isla jagadii mar labaad hanto oo siyaasad lagula shirkoobo, waana siyaasiga kaliya ee laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare taariikhda Soomaalida.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo: Taageeradii ugu weyneyd isagoo haysta oo shacabka u mudaaharaadayaan oo la leeyahay caynaanka hay oo ha naga tagin, sidoo kalena horay usoo diiday inuu ajnabi ku caawiyo shirqool siyaasadeed lala damacsanaa Madaxweynihiisa ayuu gaariga ka dagay. Intaas waxaa dheer, waa Ra’iisul Wasaaraha kaliya ee xilka ka dagay, isagoo shardi ka dhigtay qofka ka dhaxlayo jagada oo ah ku xigeenkiisii, waana loo fuliyey ballantaas.

Waxaa xusid mudan, markii uu Farmaajo diiday faragalinta shisheeyaha waxaa lagu yiri, waxaan ku tusaynaa adigoo la isugu kaa tagay oo inta kale kula dirirsantahay.

Farmaajo ficilkiisii wanaagsanaa wuxuu ku helay inuu u dallaco Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sadexdaas masuul waxaan ka dhaxalnay inuu dalkii sii socda, iyagana xushmad iyo qaddarin ku kasbadeen.

Dulmane, haddana la gaaday:

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid): Waa hannaan ugub ah oo ka duwan hababkii ay ku baxeen Ra’iisul Wasaare-yaashii soo maray dalka. Isagoo daacad u ah Madaxweynihiisa, shaqadana aysan isku qabanin, shisheeyana aanan ka raacin, dalkana uusan ka jirin qalalaase siyaasadeed oo ay tahay in lagu dajiyo, ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, haddana laga hor istaagay inuu hortago Baarlamaanka. Sidaas baana lagu xukumay isagoo maqan.

Ra’iisul Wasaare Saacid waa sabray, waana ka tagay booskii si buuq la’aan ah, edeb iyo deggenaan buuna raaciyey oo hadal xun iyo ficil hooseeya kama daba tuurin Madaxweynihiisii.

Saaxib iyo cadow isku si ula dhaqan:

Tan iyadana waa ugub, waliba waa wada ugub. Dhalashada, dhaqanka, iyo dhamaadka.
Waa marka Madaxweynaha shaqada u wada dhaafo Ra’iisul Wasaarihiisa, wargalin iyo wada tashi kaliya ku ekaado, hagid iyo hogaamin qaran marka laga reebo, muuqaalka, gole ka hadalka iyo matalaadda hawlaha Dowladda uu si mug leh uga muuqdo Ra’iisul Wasaaraha.

Taasi waxay u qalantay inuu daacad buuxda usii noqodo Madaxweynihii soo magaacabay, haddana muuqasho iyo awood buuxa ugu daray. Laakiin, waxaa la arkay, isagoo shisheeyo la shirqoolaya, isku dayaya inuu siro dadkoo dhan, xitaa naftiisa haday ku kallifto. Marka danbana, dadkoo wada faraxsan uu kaligiis ku guulaysto inuu dhaxlo Madaxweynihii uu khayaamay. Bal yaabkan eega!

Waxaa adag inaad fahamto marka uu xumaanta kuu falkinayo, inta badan, waran-kiisu shiish maleh illeen waa nabar xatooyo ahee, ama waa gacan saddexaad. Laakiin, haddii uu kula helo waranka, wuxuu kari karaa inuu caddaymo kugu tuso in warankaas uusan isagu kugu shiishin ee ay halgaad kadis ahi kugu dhacday, ama wuxuu ku tusi karaa caddaymo aad ku qanacdo in qofka hebel la yiraahdo uu ganta gaashaanka qabtay, sidaasna ay fallaartii kuugu soo fakatay.

Kolkaasna, waxa kaliya ee kuu furan waa inaad dhibtii uu kuu gaystay aad isaga laftiisa uga tacsiyeeyso oo aad ku dhahdo waxba ha u arkin inaad igu ceeboowday, iskana ilaaw waxa igu dhacay oo waan ogahay adiga inaadan rabin, raallina aadan ka ahayn dhibta isoo gaartay. War ninku xirfad badanaa oo xariifsanaa!

Wuxuuse ku danbeyey, kaligiis inuu quusay, oo xitaa rakaabkii saarnaa doontii uu naakhuudaha ka ahaa ayaa biyaha dhinacooda tubada uga soo furay.

Mid baa igu yiri; ka warran qofka wali la jaalka ah sidaad adiguba ahaan jirtay mar?

Waxaan ugu jawaabay jecaylkiisa ninkii iiga danbeeya, neceybkiisana wuu iiga danbeyn. Waana khaatumada qofka si isku mid ah ula dhaqma saaxiibkiis iyo cadawgiis.
Ma liibaanaha lagu liibaano:

Nuucaanna wuu jiraa, waana marka damac xukun ama dantaada ah, aydnaan isku qaban Madaxweynahaaga, laakiin aad shisheeye u gacan gasho, waliba iyagoo aanan kula heshiinin intay si xun kuu dhibaateeyaan oo nafsi ah, oo laba dal sirdoonadooda ay kuu wada dhigaan shax shareed heerkeedu aad u sarreeyo, ayna ku gaarsiiyaan adigoo ka carayaya iney xogtaada bannaanka usoo baxdo aad u qabato shaqo kasta oo dumineysa dalka, dhaawac uusan kasoo kici karinna ku dhufato Madaxweynihii ku sharfay, habka aad u shaqeyneysana ay ku dhamaato inaadan adigana mustaqbal lahayn, aadna soo fulisay wax kasta oo lagaa rabay si aad lafahaaga u badbaadsato.

Noocaan waxaa la dhahaa ma liibaanaha lagu liibaano, waa marka aad dhibbane u tahay shirqool aad is aragtay inaad dhexda ugu jirto, adigoonan go’aansanin ama dantaada ku jirin, dadkuna maadama aysan haynin xogtaada rasmiga ah waxay ku wareerayaan sifada ay ku siinayaan. Waa nin rag ah oo iska celiyey hebel iyo hebel. Waa nin wareersan oonan dantiisa aqoonin. Armaaba laga gardaranyahay iyo sifooyin kale oo dhammaantood aanan xog sax ah ku dhisneyn.

Khasaaraha noo qaybi:

Waa marka aad damacdo inaad tartan la gasho Madaxweynahaaga ood iska dhaadhiciso u sharax ummadda inaad ka fiicantahay Madaxweynihii ku magacaabay, dowladdana wixii ka khaldamay aadan adiga qayb ka ahayn. Waa marka, damaca ku indha-tiro, eed ku dhammayso inaad la safato wareega labaad ama saddexaad ee tartanka qof mucaarad idin ku ahaa adiga iyo Madaxweynaha aad jallaafada la ridayso.

Jidkaan dhawr jeer baa la tijaabiyey, lagama waantoobo, lagumana guulaysto. Waa halkii Xirsi Magan ka yiri, talo xume u tag oo talo xume ka tag waa tubteydii.

Waxaan usoo joogay, iyadoo wareeggii labaad la joogo, uu Ra’iisul Wasaare xilka haya oo tartanka ka haraya wareeggii labaad oo baryo iyo shuruud hor dhigayo musharrax mucaarad ahaa oo guulaysan raba, misana warkii loogu soo koobay, dadka aan tixgalin doono baan kugu darayaa. Wallee taasoo kale cuqubo baa lagaa dhahaa. Allow magantaa.

Xamze maxaa u xal ah?

Marka koowaad dadkoo dhan waxaad uga duwantahay, adiga nasiib kuma aadan iman oo magacaaga Google lagama soo helin. Sidoo kale talo saaxiib ku yaqaanna iyo olole beeleed kumaadan noqon Ra’iisul Wasaare.

Waxaad tahay xubin Xisbiga Madaxweynaha ka tirsanaa, aqoon muddo dheer uu kuu lahaa, adigana waad soo sabirtay oo muddo xileedkii hore tabasho ayaad ku dhammaysatay, 5 sano oo mucaaradnimo ahna waad lasoo safatay hogaamiyahaaga.

Intaas adigoo xusuusto, taladaya oo kooban waa sidaan;

Koow: Sidaad u muuqato inaad sanadka dhamaaday u dhaqmeysay ku sii wad, waana sifooyinka aan kor kusoo xusay ee aan kugu ammaanay.

Labo: Rag damac kama dhammaadee, hadday kuu soo xaluulato hawo dhahaysa anna maan Madaxweyne noqdo, waa iga talee awood aadan usoo dhididin ha isku dhadhamin. Orodoo soo kifaax oo dadnimaada soo tijaabso.

Qoriga laguu dhiibtay inta ku hartay ee rasaas ah intaa u celiso ninkii iska lahaa, waliba si qurxan adigoo u sii dhaqay, si tartiib ah iridda uga siibo. Markaas kaddib, tolkaa, taladaa iyo tayadaa intaad isku darsato damacaaga usoo harjad. Hadaadse isku daydo kursi Madaxweyne baan si dhuumasho ku dafayaa, hortaaba la hollin waa ee bal tubta isku tashiga soo tijaabi.

Saddex: Shisheeye ha usoo raacin Madaxweynahaaga, marna libin kuma gaaraysid, waxaadna ku danbayn doontaa adigoo bir is moodaya inaad sidii buufinkii kaligaa u dillaacdo ama intay wax fool xun kugu sameeyaan baad hayin la hogaansado u noqon, kolkaas bay ficilladaada oo dhan wada fool xumaaanayaan. Markaad xilka weysana, shisheeye iyo sokeeyo mid ku salaama arki meysid.

Afar: Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan ayey is qabteen Raisal Wasaarihiisa, xantii oo aanan bannaanka usoo bixin, buu aniga ii yeertay masuulkaas isagoo suuqa kasoo maqlay inaan gadoodsanahay. War dheer oo nuxurkiisa yahay, inaad ila jirsato baan rabaa oo aan Wasiir kuu magacaabi si aan ula diriro Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidii uu war kale iiga sugayey, baan ku iri, malaha waad ilowdayee inaan kasoo gows-qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saldhig u ahaa inuu adiga kuu magacaabay Ra’iisul Wasaare, hadeerna kolka dagaalkiinna qarxo anigu waxaan dib ula heshiinayaa Madaxweynaha ee haddaad talo yeeleyso, orodoo la heshii oo la saaxiib Madaxweynaha.

Mudane Ra’iisul Wasaare,

Xusuusnoow dad badan waxay Madaxweynaha ula dirirsanyihiin dartaa, maalinta aad is qabataanna, isagay la jirsanayaan. Sidaas darteed meeshaada ku qalalso, kuna qaboowso.

Deeqsinimada xadka dhaafsan iska yaree oo jagada Ra’iisul Wasaaraha u ekeeysii mid jirta oo joogta, adigoonan madaxa ku dhufanin Madaxweynahaaga.

Waan arkaa inaad saxiixday qodobo dastuurka khilaafsan oo taabanaya awoodaha xafiisyada ugu sarreeya dalka. Kuma lihi anigu sida dadka qaar, beesha aad matasho maxaad ula tashan weysay?

Waxaanse ku leeyahay iska ilaali inaad saxiixdo warqad dastuurka si qayaxan uga hor imanaysa, waayo, adigu sharci fuliye unbaa tahay ee sharci dajiye ma tihid.

Sidoo kale, ha saxiixin waxaanan kuu qalmin, calafna ilaah baad u leedahay ee cadkaad ku fadhido hana cunin, hana ceebeynin.

Nin aad kuu yaqaan oo siyaasadana aan ku jirin wuxuu igu yiri, adigoo hal asbuuc magacaaban, Ra’iisul Wasaare Xamze, inuu Madaxweynaha xanto oo uu ku nafiso waa laga yaabaa, subax inuu iska dhaqaaqo oo iscasilo waa laga yaabaa laakiin kama hor imanayo, waxbana kama diidayo Madaxweynaha.

Aniga laftayda sidaas baan kuugu duceeyey.

W/Q: Fahad Yaasiin
La-taliyihii Hore ee Amniga Qaranka

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online