Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqasho ku tegay deegaanka Qalwo ee ka tirsan Degmada Qardho

June 7, 2023 - Written by Editor

Qalwo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Qalwo ee ka tirsan Degmada Qardho, halkaasi oo Madaxweynuhu xariga ka jaray Dooxooyinka deegaanka Qalwo ee la xirmeeyay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Dhaam Biyoodka deegaanka laga sameeyay iyo Ceelka deegaanka Qalwo, isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha u kormeeray iyo Maamulka deegaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Qalwo, oo uga mahadceliyay Waxqabadka Dowladdu ka hirgelisay deegaanka.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online