Madaxweynaha JFS oo la kulmay La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda

June 7, 2023 - Written by Editor

Muqdisho, Juun 07, 2023: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Alshabaab.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online