Madaxweynaha Uganda oo sheegay in 54 askari looga dilay weerarkii saldhigga Buulo Mareer

June 4, 2023 - Written by Editor

Kampala:-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Museveni ayaa ku sheegay bartiisa twitterka, inay heleen maydka 54 askari oo lagu dilay weerarkaas oo uu ku jiro taliye ciidan.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, taasi oo Uganda sheegtay inay tahay ka badbadis.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayaa af-hayeenka ciidamada Uganda Sarreeye Guuto Felix Kulaigye uu horey u sheegay in ciidamo ka tirsan Ugandan ay qabteen al-Shabaab, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada ciidankooda ee ay qabteen mintidiinta al-Shabaab.

Museveni ayaa sheegay in qaladka ay sameeyeen laba ka tirsan taliyayaashiisa ciidanka oo amray in dib looga gurto saldhigga. Waxaa uu sheegay in labadaas taliye ay waajihi doonaan maxkamad ciidan.

Waxa uu sheegay in ciidankiisu ay muujiyeen adkaysi, ayna u suurtogashay inay dib u qabsadaan saldhiggii.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online