Maxkamadda militariga oo xukun ku riday sarkaal ka tirsan Daacish

June 6, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Maxkamadda militariga Soomaaliya ayaa xukun xabsi ah ku riday xubin lagu helay inuu ka tirsan yahay ururka Daacish.

Warsame Cabdi Xasan ayey Maxmakadda Milatarigu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah kadib markii ay ku heshay inuu argagax geliyey ganacsatada, isagoo ka doonayey baad uu u ururinayey kooxda Daacish.

Warsame ayaa bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa maxkamaddu soo bandhigtay muuqaal la sheegay inuu tusinayo Warsame oo rasaas ku furaya dad ku sugan goob ganacsi.

Ninkaasi ayaa intii uusan ku biirin Daacish la sheegay inuu ahaan jiray xoolo dhaqato, isla markaana uu hadda yahay aabe leh lix carruur ah.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2023
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online