Madaxweynaha Puntland oo furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda.

September 21, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, in la illaaliyo wixii heshiiska lagu wada yahay, masuuliyadna la isi saaro oo dadka laga wada qeybgeliyo wixii xal u raadinta dalka ah oo aan la isku koobin.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, isla markaana lagu soo aadiyey maalinta nabadda Adduunka, waxaa sanadka looga doodaya doorka Warbaahinta ee Nabadda.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Ahna Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Goleyaasha Dowladda Puntland, Safaarada Sweden ee Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’adda USAID, Qoreyaal Soomaaliyeed iyo wakiilo u dhaqdhaqaaqa Nabadda oo isaga kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

– DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
September 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online