Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

September 16, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horeysay ku timi Puntland.

Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
September 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online